Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jirranaan
hinni Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
hinnig H. ah: qof gaaban, caato ah oo tabardaran.
hinnigsan Qof hinnig ahaansho.
hinnigsanaan eeg hinnigsan. ld hinnigsaanaansho.
hinnigsanaansho ld hinnigsanaan.
hinqad ld hinqasho.
hinqasho eeg hinqo. ld hinqad.
hinqi Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.
hinqin eeg hinqi.
hinqo Kicid u hollasho.
hinraag (1) 1. Cod weyn oo qof aad u jirran ka so baxa. 2. Cida libaaxa. ld hiinraag¹.
hinraag (2) 1. Qof aad u jirran cod weyn soo saarid. 2. Libaax ciyid. ld hiinraag².
hinraagid eeg hinraag².
hintaaqayn ld hantaaqayn.
hintaaqee ld hantaaqee.
hintaaqo ld hantaaqo.
hintaaqoo ld hantaaqoo.
hintaaqood ld hantaaqood.
hintifaay ld hintifay.
hintifay Nooc dhurwaaga ka mid ah oo gaagaaban, madax buuran oo geela iyo xoolaha kaleba laaya. ld hintifaay.
hiqhiq Oohin hag-hakasho leh oo hingada u eg; feerafuglo.
hiqhiqlayn hiqhiqlee. ld hiqlayn, hiqlays.
hiqhiqlee Oohin hag-hakasho leh oo hingada u eg samayn. ld hiqlee.
hiqlayn ld hiqhiqlayn.
hiqlays ld hiqhiqlayn.
hiqlee ld hiqhiqlee.
hir (1) 1. Dhaqdhaqaaq biyaha baddu sameeyaan o heerkoodu kor iyo hoos ugu kaco. 2. Muuqaal fog ee caad, bad, buuro iwm ah. 3. Mowjadaha hawada ee baahiya codadka iyo muuqaallada; mowjad.
hir (2) (fiis.) Labid kaleed ee dhextaal ama dululaati. Marka uu hir socdo, garurka ayaa tamarta meel ka kexeeya, geeyana meel kale.
hir (3) Nafley bar yar oo buuralayda ku nool (ari).
hir (4) Meel dheer ka soo muuqasho.
<< < 737 738 739 740 741 742 743 744 745 746 747 > >>

 

Exit mobile version