Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
baahitir (1) ld baahitirid.
baahitir (2) Cid baahi ka bi'in.
baahitirid eeg baahitir². ld baahitir¹.
baahnaan eeg baahan. ld baahnaansho.
baahnaansho eeg baahnow. ld baahnaan.
baahnow U b.: qof baahan noqosho. Tus. “Ebedkiisa lacag ha u baahnaado, kolba anigu wax u diri maayo”.
baaho (1) Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad gaar ah ka dhaxeeya.
baaho (2) 1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan.
baahsan Wax la baahiyay ahaansho (war).
baahsanaan eeg baahsan. ld baahsanaansho.
baahsanaansho ld baahsanaan.
baaji Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
baajin eeg baaji. ld baajis.
baajis ld baajin.
baakad Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. ld baako.
baako ld baakad.
baal (1) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal (2) Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
baalal 1. Dad daawanaya cayaarta xayaadka. 2. (w) eeg baal¹.
baalalley Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
baalash (1) 1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo, luujito. 2. Burush.
baalash (2) Kabo luujito marin. ld baalashee.
baalashee ld baalash².
baalasheyn ld baalashid.
baalashid eeg baalash². ld baalasheyn.
baalbaal Macmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo googooyay oo saliid lagu dubay.
baalcad (1) Waxaro abab ah.
baalcad (2) 1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas.
baalcas Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
baaldacar Usha dheer ee dhexda kaga taal geedka dacarta.
<< < 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 > >>

 

Exit mobile version