Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: afxirasho
dhaamnaansho  ld dhaamnaan.
dhaan1  1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay. dhaan2  1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho. dhaandabaggaale  Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
dhaandhaami  Qof, dhaandhaan ka dhigid.
dhaandhaamid  eeg dhaandhaan².
dhaandhaamin  eeg dhaandhaami. ld dhaandhaamis.
dhaandhaamis  ld dhaandhaamin.
dhaandhaan1  Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin. dhaandhaan2  Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin noqosho. dhaansad  ld dhaansasho.
dhaansan  Weel wax buuxa ahaansho.
dhaansanaan  eeg dhaansan. ld dhaansanaansho.
dhaansanaansho  ld dhaansanaan.
dhaansasho  eeg dhaanso. ld dhaansad, dhaansi.
dhaansi  ld dhaansasho.
dhaanso  1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
dhaantayn  eeg dhaantee.
dhaantee  Dhaanto cayaarid.
dhaanto  Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
dhaar  Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo.
dhaaraan  Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
dhaarasho  eeg dhaaro.
dhaari1  Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama “qof wax khabiir ku ah”, sida: fardadh.: fardafuulyahan. dhaari2  Naas caanihii laga idlaystay nuugid. dhaari3  Qof dhaar marin. dhaarin  eeg dhaari³. ld dhaaryid.
dhaaro  Ku dh.: dhaar marid.
dhaarsad  ld dhaarasho.
dhaarsan  Qof, wax dhaartay ahaansho.
page : 79 of 218
<< < 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 > >>

 

Exit mobile version