Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gedmo
baaldhiig Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.
baaldi 1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.
baaldillaacsad ld baaldillaacsasho.
baaldillaacsasho eeg baaldillaacso. ld baaldillaacsad, baaldillaacsi.
baaldillaacsi ld baaldillaacsasho.
baaldillaacso Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).
baalentoloji (taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
baalfallaar Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.
baalgorayo Marka meseggada ama gallaydu sabuul yeelan rabto.
baalgub Calaamad uu ku reebo dabku neef geel ah oo baal laga daaweeyey.
baali Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.
baali (1) Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iwm).
baali (2) Koofiyad, gammuun iwm. baal u yeelid.
baalid (1) B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.
baalid (2) Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid.
baalidid eeg baalid².
baalin eeg baali². ld baalis.
baalis ld baalin.
baaliyoobid eeg baaliyow.
baaliyow 1. Baali noqosho (naag). 2. Wax duug ah noqosho.
baallacad Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
baallayn eeg baallee.
baallee Ka b.: wax ama meel doc ka jarid.
baalley Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
baalleybarro Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.
baalquraanle Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.
baaltaag (1) ld baaltaagid.
baaltaag (2) Gorayo, cantalaay iwm baal fidin.
baaltaagid eeg baaltaag². ld baaltaag¹.
baaluq (1) B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey.
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>

 

Exit mobile version