baaluq
(m.l) (-qyo, m.dh)B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey.
baaluq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)Da'dii qaangaarnimada gaarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaluq ↴
caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl
baaluqad [m.dh] (-do, m.l)
B. ah: gabar qaangaar ah.
baaluqid [m.f.dh]
eeg baaluq².
baaluqnimo [m.dh]
Baaluq ahaansho.
baaluqo [m.dh]
Qof da'dii baaluqnimada gaarey.
ciso-la'aan [m.dh]
(daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
niinf [m.dh]
(c.nafl.) Heer ay maraan xasharaadka qaarkood intaayan weynaan sida: kaboyaaga marka ukunta ka soo baxaan niinfigu waxay u egyihiin kuwa waaweyn; waxay kaga duwan yihiin oo keliya: a) way ka yaryaryihiin; b) baalal uma soo wada bixin; c) mana baaluqin.