Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
horutubyee  ld horatibyee.
horutubyeyn  ld horatibyeyn.
horutubyo  ld horatibyo.
horweyn  1. Geel guran oo badan oo aan cidaha la joogin ee meel kale lagu hayo. 2. Geel badan.
horyaal  1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.
horyaale  (nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.
horyaalnimo  Horyaal ahaansho.
horyerid  Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.
hoteel  Aqal dadka socotada ahi kiraystaan.
hoy1  (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri. hoy2  ld hoo³. hoyaad1  1. Xilliga xoolaha iyo dadkuba ku soo uruuraan hoygooda (fiidkii). 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. Raashin ay cidi habeen cunto. hoyaad2  Xoolo dad iwm hoyaadid. hoyaadi  Xoolo, dad iwm waqti galab ah hoy u kaxayn.
hoyaadid  eeg hoyaad².
hoyaadin  eeg hoyaadi.
hoyaatimid  ld hoyasho.
hoyaatin1  1. Waqti qorrax dhac ah oo hoy la aado. 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. ld hoyasho. hoyaatin2  ld hoyo. hoyad  ld hoyasho.
hoyasho  eeg hoyo. ld hoyaatimid, hoyaatin¹ (3), hoyad.
Hoyga  eeg Hoy.
hoyi  ld hoo³.
hoyin  ld hoyn.
hoyn  eeg hoo³. ld hoyin.
hoyo  Habeen meel ku baryid. ld hoyaatin².
hu  1. Dhar la qaato. 2. ld hub¹. ld hub¹.
hub1  1. Qalab lagu dagaalamo. 2. ld hu. hub2  Arrin xaqiiqdeeda ogaansho. hubaal  Xog run ah oo wax la xiriirta; xaqiiq.
page : 81 of 93
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>

 

Exit mobile version