meytakaalo Meytakaal sameysasho.
meyti Inta dhimatay. ld meyto, mowti, mowto.
meyto ld meyti.
mi' Kaltan biyo qaybsiyeed.
mi'i Wax tashiilid.
micaahido Heshiis laba dhinac kala saxiixdaan. ld macaahado, mucaahado.
micayn ld macaanayn.
micays ld macaanayn.
mici 1. Ilkaha fiiqfiiqan ee u dhexeeya foolaha iyo gawsaha midkood. 2. Dalag meseggo, galley iwm oo markaa soo baxaaya.
micigabaar 1. M. ah: rati xooggiisu u dhanyahay. 2. M. ah: nin da'weyn oo garasho badan.
micigabaarrey 1. Islaan carruur badan dhashay oo reerka mulkisay. 2. Abeesa weyn.
miciin (1) 1. Waxtar, kaalmo, gargaar, jimic, jixinjix. 2. ld miciinid. ld maciin¹.
miciin (2) Cid gargaar u fidin. ld maciin².
miciindarro Kaalma la'aan. ld maciindarro.
miciinid eeg miciin². ld maciin¹, maciinid, miciin¹.
miciinla'aan Kaalma la'aan. ld maciinla'aan.
miciinlaawe Qof aan naxariis, iyo kaalma midna lahayn. ld maciinlaawe.
miciinsad ld miciinsasho.
miciinsasho eeg miciinso. ld maciinsad, maciinsasho, maciinsi, miciinsad.
miciinsi ld miciinsasho.
miciinso Cid miciin ka dhigasho. ld maciinso.
micilisad ld miciyalisasho.
micilisasho ld miciyalisasho.
miciliso ld miciyaliso.
micis ld milcis.
miciyalisad ld miciyalisasho.
miciyalisasho eeg miciyaliso. ld micilisad, micilisasho, miciyalisad.
miciyaliso Awr ama bahalaha kale ee qoor ah, marka ay wax guulayaan miciyo isku xoqid. ld miciliso.
miciyee Wax miciyo ku qaniinid.
miciyeyn eeg miciyee.
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>