Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: herso
dhabannaano  Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.
dhabannacaso  Miro digireed oo aan weli bislaan.
dhabannahayn  Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. ld dhabannahays.
dhabannahays  ld dhabannahayn.
dhabaq1  1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno. dhabaq2  Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid. dhabaqsan  Wax la dhabqiyey ahaansho.
dhabaqsanaan  eeg dhabaqsan. ld dhabaqsanaansho.
dhabaqsanaansho  ld dhabaqsanaan.
dhabaqsasho  eeg dhabaqso.
dhabaqso  Wax macaan cunid.
dhabaqtir1  ld dhabaqtirid. dhabaqtir2  Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid. dhabaqtiran  Wax la dhabaqtiray ahaansho.
dhabaqtirid  eeg dhabaqtir². ld dhabaqtir¹.
dhabaqtirnaan  eeg dhabaqtiran. ld dhabaqtirnaansho.
dhabaqtirnaansho  ld dhabaqtirnaan.
dhabar  Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
dhabar-adag  Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho.
dhabar-adayg  Adkaysi loo yeesho hawl. ld dhabar-adkaan.
dhabar-adkaan  eeg dhabaradag. ld dhabar-adayg, dhabar-adkaansho.
dhabar-adkaansho  ld dhabar-adkaan.
dhabar-daaco  Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.
dhabar-garaac1  Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. ld duud-garaac¹. dhabar-garaac2  Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaac². dhabar-garaacasho  eeg dhabar-garaaco. ld duud-garaacasho.
dhabar-garaacid  eeg dhabar-garaac². ld duud-garaacid.
dhabar-garaaco  Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaaco.
dhabarjab1  1. Dh. ah: hawl culus oo lagu daalo. 2. Dh. ah: arrin aan lagu guulaysan. 3. ld dhabarjabid. dhabarjab2  Ku dh.: hawl culus ku daalid.
page : 82 of 218
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>

 

Exit mobile version