Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: herso
dhabgeli  Isu dh.: waxyaabo meel wada gelin.
dhabgelin  eeg dhabgeli.
dhabiil1  1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid. dhabiil2  1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn. dhabiilid  eeg dhabiil². ld dhabiil¹.
dhabiiltamid  eeg dhabiiltan². ld dhabiiltan¹.
dhabiiltan1  Si dhab ah oo loo xisaabtamo. ld dhabiiltamid. dhabiiltan2  Si dhab ah u xisaabtamid. dhabji  ld dhabqi.
dhabjin  ld dhabqin.
dhabjis  ld dhabqin.
dhabnaan  eeg dhaban³. ld dhab- naansho.
dhabnaansho  ld dhabnaan.
dhabo  Dhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl).
dhaboobid  eeg dhabow.
dhabow  Dhab noqosho.
dhabqalallayn  eeg dhabqalallee.
dhabqalallee  Wax dhabqalallo ku sameyn.
dhabqalallo  Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.
dhabqi  Cayaar, hees iwm dhabaq gelin. ld dhabji.
dhabqid  eeg dhabaq².
dhabqin  eeg dhabqi. ld dhabjin, dhabjis, dhabqis.
dhabqis  ld dhabqin.
dhabro  Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.
dhabuulaq1  Raad dad oo isku noqnoqday. dhabuulaq2  Raad dad isku noqnoqasho. dhabuuliqid  eeg dhabuulaq².
dhabxanag  Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.
dhac1  1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid. dhac2  1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).
page : 85 of 218
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>

 

Exit mobile version