Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jeeraarin
gubasho2  (kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah. gubato  1. Cudur lo'da ku dhaca oo haragga ka guba. 2. ld gubad (1).
gube  1. Maddane. 2. ld guube.
gubid  eeg gub². ld gubis, gubniin.
gubis  ld gubid.
gubnaan  eeg guban. ld gubnaansho.
gubnaansho  ld gubnaan.
gubniin  ld gubid.
gubnood  Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.
gubo  1. Dab ku waxyeelloobid. 2. Kulayl dareemid. 3. Ka g.: waxyeello cid loo geestay ka xanaaqid.
gubtaanyo  ld gubtahanyo.
gubtahanyo  Geed saar dhirta daawada leh ka mid ah oo dhirta kale isku mara, lehna xaad iyo xajiin aad u daran. ld gubtaanyo.
gubte  Waxyaaba dhaqso u holca.
gubungub  Nooc cawska ka mid ah oo leh fiid xanaf leh oo laga dhigto kashkaash, weelashana lagu deebiyo. ld gubaangub.
gucaad  G. ah: nafley socodka ku gaabisa.
gucaadnimo  Gucaad ahaansho.
gucle  Orod gaaban. ld rucle.
guclee  Orod gaaban ordid.
gucleyn  eeg guclee. ld gucleys.
gucleys  ld gucleyn.
gucummaale  1. Libaax lab oo aad u weyn. 2. G. ah: nafley aad u dhogor leh.
gucun  1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iwm oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
gud1  Geed-gaab laamo dhuudhuuban leh oo dhala miro macaan oo loo yaqaan yicib. gud2  1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid. gudaal  Socod habeenkii la socdo; guure. ld gudid.
gudaggal  Hawl iwm u gondadegid.
gudaggelid  eeg gudaggal.
gudan  Wax la guday ahaansho.
gudasho  eeg gudo².
gudban1  1. Xiddig u dhexeysa bayaxawda iyo libcasta. 2. Naag madax adag.
page : 85 of 102
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>

 

Exit mobile version