Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sargadayn
kalsami Daacadnimo iyo uurfayoobi wax loo hayo. ld kalsamaan.
kalsan Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho.
kalshiyam-side (jool.) K. ah: wax uu ku jiro saami weyn oo kaalshiyam kaarboonayt ah; badanaa, waxaa lagu istcmalaa dhadhaabaha iyo ciidda.
kalsoon Ku k.: aan dareen ka qabin ama aaminsan ahaansho.
kalsoonaan eeg kalsoon. ld kalsoonaansho, kalsooni.
kalsoonaansho ld kalsoonaan.
kalsooni ld kalsoonaan.
kalsoonidarro Aan aamin lagu qabin.
kaltamid eeg kaltan².
kaltan (1) Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
kaltan (2) Hawl iwm. qabashadeeda miilaysasho.
kaltiri 1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.
kaltirin eeg kaltiri. ld kaltiris.
kaltiris ld kaltirin.
kalwi Wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabasho ama dhihid.
kalwin eeg kalwi. ld kalwis (2).
kalwis 1. K. ah: Beer la gooyay xabbad-xabbad badar ah oo haray. 2. ld kalwin.
kalxan (c.nafl.) Laf samaysa qayb ka mid ah garabka, taas oo iskuxidha lafta ballaaran ee garabka iyo lafta dhafka.
kama' (1) ld kamma'¹.
kama' (2) ld kamma'².
kama'id ld kamma'id.
kaman ld kaban¹.
kamandhuur (1) ld kamandhuurid.
kamandhuur (2) Si foolxun u fadhiyid.
kamandhuurid eeg kamandhuur². ld kamandhuur¹.
kamas Inta u dhexeysa koodka iyo sanqaroorka oo ku beegan indhaha oo aad u godan.
kamasha Gomosho.
kambal (1) Agagaarka aqalka.
kambal (2) 1. Kaga k.: cid naf ka qaadid. 2. Is k.: seexasho.
kambalid eeg kambal².
<< < 882 883 884 885 886 887 888 889 890 891 892 > >>

 

Exit mobile version