kanguuro (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
kaniisad Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
kanjab (1) Cudur ku dhaca xoolaha aad u cayila oo burburiya baruurta loo yaqaan kanka.
kanjab (2) Cayil dartiis u dhimasho.
kanjabid eeg kanjab².
kankamid eeg kankan².
kankan (1) Ur xooggan oo meel ka soo baxa.
kankan (2) Ka k.: ur udgoon meel ka soo carfid.
kankoon Wax sida kubbadda u wareegsan ama qaab u eg leh.
kankoonsan Wax wareegsan ahaansho.
kankoonsanaan eeg kankoonsan. ld kankoonsanaansho.
kankoonsanaansho ld kankoon-sanaan.
kanooni Qori af weyn leh oo meel fog wax ka baabi'iya; mafdac.
kansar (daaw.) Buro xume oo dhan ha ahaado “karjinome” ama “sarkoome” wuxu ka sameysmaa unug oo si aan caadi ahayn oo dhakhso badan u qaybsama, kasoo dabadeed dhex gala oo burburiya (xubnaha) soohayaasha ku ag dhow. Waxa dhacda in unug ka mid ah burada uu raaco dhiigga ama liinfada oo ku beermo meel kale oo jirka ka mid ah (metastasis).
kansarbeereed (daaw.) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
kansarka dhuuxa (daaw.) Cudur ay sababaan unugyada dhiigga ee cad cad markay aad u bataan. Cudurkani dhiig yari ayuu keena beeryaraduna way ballaadhataan. Noocyada kala duwan ee unugyada dhiigga cadcadi markay bataan, waxay jidhka ku ridaan noocyo kala duwan oo kansarka dhuuxa ah. Cudurkani wuxuu keeni kaara dhimasho.
kansarka sambabka (daaw.) Kansar ka baxa dhuumaha neefta (kansar dhuumeed) ama sambabka.
kansarkeene Onkojiin.
kansho Waqti u cuntama arrin ama hawl la qaban lahaa; fursad.
kansi Lacag, dhagax, bir iwm oo qaali ah si gaar ahna loo ilaaliyo. ld kensi.
kantiin Dukaan yar oo laga qaato raashinka iwm.
kar (1) 1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo.
kar (2) 1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.
kar (3) 1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho.
karaab Qoryo yaryar oo xalxallefsan oo shabaagta badda la dhigo lagu xirxiro, si ay u sabbayso oo u muuqato.
karaahiyo K. ah: wax naftu kahato.
karaamayn eeg karaamee.
karaamaysan Wax karaamo leh ahaansho.
karaamaysnaan eeg karaamaysan. ld karaamaysnaansho.
karaamaysnaansho ld karaamays-naan.
<< < 884 885 886 887 888 889 890 891 892 893 894 > >>