Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: bulaysnaan
karawaliin Dareere kiimika ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
karaytar (jool.) Dalool wareegsan oo ku yaalla toobinka folkaa-naha dushiisa.
karbaash (1) 1. Suun dhuuban oo dheer oo dabo la qabto leh, waxna lala dhaco, jeedal. 2. Calallo, jawaano iwm oo la isku tolo oo waxyeellada rarka looga celiyo gaadiidka.
karbaash (2) Wax jeedal la dhicid.
karbaashid eeg karbaash².
karbuuno ld kaarbuuno.
kardhasho eeg kardho².
kardho (1) Dhaxan ama xanuun lala gariiro.
kardho (2) 1. Neef irmaan oo ari ah darar awgeed la qaylin. 2. Qof jirro ama dhaxan la gariirid.
kareeb Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. ld kirib.
karfan (1) ld kafan¹.
karfan (2) ld kafan².
karfanid ld kafnid.
karhasho eeg karho.
karhid eeg karah.
karho Wax niyadda ka necbeysasho.
kari 1. Dab iyo biyo wax ku bislayn. 2. Biyaha iwm aad u kululeyn.
karid eeg kar³.
kariim 1. (dii.) Macagyada Eebbe mid ka mid ah; Kariin. 2. Qof deeqsi ah.
kariin ld kariim.
kariinad Silsilad.
karin (1) 1. Raadka, raridda badani u yeesho awrta baarkeeda. 2. Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban. 3. (-rmo/-imo, m.l) Cad wax lagu karo; karmo. 4. Xerada xoolaha oodda lagu oodo barkeeda sare meel ka bannaan.
karin (2) eeg kari. ld karis.
karinbillayn eeg karinbillee.
karinbillaysad ld karinbillaysasho.
karinbillaysan Wax si karinbillo ah loo tolay ahaansho (maro).
karinbillaysasho eeg karinbillayso. ld karinbillaysad, karinbillaysi.
karinbillaysi ld karinbillaysasho.
karinbillaysnaan eeg karinbillaysan. ld karinbillaysnaansho.
karinbillaysnaansho ld karinbillays-naan.
<< < 886 887 888 889 890 891 892 893 894 895 896 > >>

 

Exit mobile version