koodhiin (daaw.) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
koodi 1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
koodin eeg koodi. ld koodis.
koodis ld koodin.
koofaar Magac aan qof kiisii runta ahaa ahayn; naanays.
koofi ld koofiyad.
koofiyad Shey ka samaysan dun, dhar iwm. oo raggu madaxa gashadaan. ld koofi, koofiyo.
koofiyad xidid (baay.) Dhisme daboola fiiqa ugu horreeya ee xididka (dhinaca carrada). Waxay ilaalisaa xididka inta uu korayo si uu u dhex maro carrada.
koofiyo ld koofiyad.
koofur Jiha waqooyiga liddiga ku ah. ld koonfur.
kookas (baay.) Nooc bakteeriyada ka mid ah oo qaab dhulu-lubaysan leh.
kooke Qof cunto kariska si fiican u yaqaan.
kookeyn (daaw.) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.
kool Ammaan; faan.
koolestarool (daaw.) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
kooli Cid ammaan u jeedin.
koolin eeg kooli. ld koolis.
koolis ld koolin.
koolkooli Ilmo yar si gacalo leh u barbaarin.
koolkoolin eeg koolkooli. ld koolkoolis.
koolkoolis ld koolkoolin.
kooma Miyirbeel.
koombo Weel yar oo bir ka samaysan oo wax lagu cabbiro ama biyaha la darsado.
koon Duni.
koonbiro Milxiisad.
koone Laba xarriiqood meesha ay isugu yimaadaan dhinaca dibadda ah.
koonfur ld koofur.
Koonfurta Ameerika (Juqr.) Koonfurta Ameerika ama Ameerikada koonfureed waa qaarad ku taalo koonfurta ameerika. Waxaa ku yaala 10 wadan oo kala ah. (Fanansuwela - Caasimadda: Karakas (Caracas)) (Barasiil - Caasimadda: Barasiliya (Brasília)) Arjantiina - Caasimadda: Bonisaras (Buenos Aires)) (Boliifia - Caasimadda: Labaz (La Paz)) (Ikwadoor - Caasimadda: quweto (Quito)) (Beru - Caasimadda: liima (Lima)) (Kolombiya - Caasimadda: Bogota (Bogotá)) (Baraguay - Caasimadda: Asanasiyoo (Asunción)) (Uruguay - Caasimadda: Montafiidyoo (Montevideo)) (jili - Caasimadda: Santiyeego (Santiago))
koor1 Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh. koor2 Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro.
page : 922 of 1584
<< < 917 918 919 920 921 922 923 924 925 926 927 > >>