koofiyad
(m.dh) (-do, m.l)

Shey ka samaysan dun, dhar iwm. oo raggu madaxa gashadaan. ld koofi, koofiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koofiyad

taaj [m.l] (-jaj, m.l)
Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.

hagoog [m.dh] (-go, m.l)
1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.

koofi [m.dh]
ld koofiyad.

koofiyad xidid [m.l]
(baay.) Dhisme daboola fiiqa ugu horreeya ee xididka (dhinaca carrada). Waxay ilaalisaa xididka inta uu korayo si uu u dhex maro carrada.

koofiyo [m.dh]
ld koofiyad.

sunno [m.dh]
1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. ld sunne.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg