Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cirbi
kordhiye (fiis.) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.
kore (1) ld korow.
kore (2) Meel sare ku sugan; korreeya.
kori 1. (f.g) Wax dhashay ama yar dheefin si uu u weynaado. 2. (f.mg) Ka k.: nafley dhibaato ka nabad-gelin (Ilaah).
korid eeg kor².
korin eeg kori. ld koris.
koris ld korin.
koritaan dhaqaale (dhaq.) Koritaan warshad ama dhaqdhaqaaq dhaqaale, wax kordha lacagta ku baxda iyo wax-soo-saarka.
korjad Harag iwm oo labaatan xabbo ah.
korjoog 1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
korjooge Cid dusha ka ilaalin; gaarhaye.
korjoogeyn eeg korjoogee. ld korjoogteyn.
korjoogtee ld korjoogee.
korjoogteyn ld korjoogeyn.
korjoogto Col yar oo col weyn dusha ka ilaaliya.
korme Faras qoor ah oo loo reebo in uu fardaha boodo.
kormeer (1) Baaris iyo ka warqabid hawl iwm socodkooda iyo baahidooda.
kormeer (2) Hawl iwm socodkooda u kuurgelid.
kormeere 1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.
kormeerid eeg kormeer².
kornayl Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
korneylnimo Korneyl ahaansho.
korniimo Kobaca iyo weynaanta ay nafley marto. ld korniin, korriimo, kor-riin.
korniin ld korniimo.
koro Wax sugid.
korobaxo Xoolaha intooda aan irmaaneyn.
korolla ilaacayaal (bot.) Laacayaasha ubaxa. Wuxuu ku wareegsan-yahay faxal sidaha iyo aarballada.
koromatidhyo (baay.) Xidhmo dun oo kala ah oo ka somaysantay koromosoom xilliga wejiyada hore ee qaybsanka unug-ga.
koromatiin (baay.) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
koromosoom (baay.) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda . Koromo-soomyadu waxay ka koobanyihiin koro-matiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.
<< < 920 921 922 923 924 925 926 927 928 929 930 > >>

 

Exit mobile version