koromosoom
(m.l) (-myo, m.dh)

(baay.) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda . Koromo-soomyadu waxay ka koobanyihiin koro-matiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koromosoom

aliil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.

dhiman [m.l]
(baay.) Marka la sharxayo bu', unug, ama noole leh hal urur oo koromosoomyo aan lamaanayn.

hiddoside [m.l] (-dyaal, m.l/dh)
(baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.

isutallow [m.l] (-wyo, m.dh)
(baay.) Isku beddelka qaybo ka mid ah koromo-taydhyada u dhexeeya. Koromosoomyo isku mid ah.

koromatidhyo [m.dh]
(baay.) Xidhmo dun oo kala ah oo ka somaysantay koromosoom xilliga wejiyada hore ee qaybsanka unug-ga.

koromatiin [m.l]
(baay.) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.

koromosoom-jinsi [m.l] (-myo ..., m.dh)
(baay.) Korokosoomyada xukuma xaya-waanka dhalanayaa lab iyo dheddig midka uu noqonayo. Waxay ku leeyihiin bu'da hal sinji lammaane koromosoomo oo isku kaan ah.

lammaan [m.l]
(baay.) Marka la sharraxayo bu'da, unug ama noole leh labanlaabka tiro dhiman oo koromosooma ah ee astaanta sinjiyada.

maytoosis [m.l]
(baay.) Qaybsanka unugga si uu u sameeyo laba unug oo mataanaysan oo mid kastaa leeyahay bu'ay ku jiraan tiro isku mid ah oo isku nooca oo koromosoomya ah, sida unugga ay ka yimaadeen.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg