korsaarid eeg korsaar².
korsaarnaan eeg korsaaran. ld kor-saarnaansho.
korsaarnaansho ld korsaarnaan.
korsad ld korsasho.
korsasho eeg korso. ld korsad.
korshirix 1. Neef korka ku leh baro midabo ah. 2. Xoor barobaro leh.
korsii Cid meel sare fuulin.
korsiin eeg korsii.
korso Nafley yar xannaanaysasho si ay u korto.
korsocod 1. Faa'iidada laga helo ganacsiga. 2. Lacag laysku dhigto marka turub la cayaarayo oo bannaanka ka ah wixii lagu ciyaarayey. 3. Dad dhex-dhexaadiya laba qolo oo dagaashan.
korsocoto Socoto reero u marti ah.
korsooh1 Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan. korsooh2 Xarig hab saddex lugood ah u tabin. korsoohid eeg korsooh².
kortag1 Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid. kortag2 1. Kaadi ama saxaro meel durugsan u aadid. 2. Ka k.: dad meel joogey oo aan ku ogeyn si kedis ah ugu tegid. kortegid eeg kortag².
korubooddo Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro oo si god ka bood ah la isugu cuno.
koryaal Qumbe ligligii laga gooyey oo haruub loo yeelay.
koryeeri Bas.
kosayn 1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
kotaanjant (xis.) Fansaar tirigonoo-meeteri ee xagal, kaas oo la mid ah ro-gaalka tanjankiisa.
kow Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. ld koow.
kowaad ld koowaad.
kowk (jool.) Adke aan cufnayn oo burbura midabkiisuna yahay boor oo ay ku jiraan ilaa 80% kaarboon ahi. Waa hadhaaga la helo marka la samaynayo neefta dhagax-dhuxuleedka. Waxa kale oo laga diyaariyaa dhagax-dhuxuleedka oo lagu shido heerkul hoose.
kowrax Hilib iwm oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
kowraxsan Hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
kowrixi Hilib kowrax ka dhigid.
kowrixid eeg kowrax.
kowrixin eeg kowrixi.
page : 927 of 1584
<< < 922 923 924 925 926 927 928 929 930 931 932 > >>