Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: midaar
la'i ld la'aan.
laa ld lay.
laab (1) 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro.
laab (2) Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
laab (3) 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.
laab (4) Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.
laabad ld laabasho.
laaban (1) Wax aan fidsanayn noqosho.
laaban (2) 1. Wax aan kala baxsanayn ahaansho. 2. Wax aan weli la samayn ahaansho.
laabasho eeg laabo. ld laabad.
laabato 1. Meesha xubnaha waaweyni iska galaan oo laallaabata. 2. ld laabad.
laabbis Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis.
laabid eeg laab4. ld laabis², laabniin.
laabis (1) ld laabis.
laabis (2) ld laabid.
laabjeex (daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar.
laabla' Qof aan xusuus lahayn ahaansho.
laabla'aan eeg laabla'. ld laabla'aansho.
laabla'aansho ld laabla'aan.
laablaab (1) Xeelad dan lagu fushanayo. ld laallaab.
laablaab (2) 1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab².
laablaabad ld laablaabasho.
laablaaban (1) Wax isku duudduubmay noqosho. ld laallaaban¹.
laablaaban (2) Wax isku duudduuban ahaansho. ld laallaaban².
laablaabasho eeg laablaabo. ld laablaabad, laallaabad, laallaabasho.
laablaabid eeg laablaab². ld laallaabid.
laablaabmid eeg laablaaban¹. ld laallaabmid.
laablaabnaan eeg laablaaban². ld laablaabnaansho, laallaabnaan, laallaabnaansho.
laablaabnaansho ld laablaaban.
laablaabo 1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.
<< < 933 934 935 936 937 938 939 940 941 942 943 > >>

 

Exit mobile version