Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: silqo
dhalan-geddis-hiddoside (baay.) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah.
dhalandhool (1) Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. ld dhalandhoolid.
dhalandhool (2) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.
dhalandhooli Cid qorrax kulul ku socodsiin.
dhalandhoolid eeg dhalandhool². ld dhalandhool¹.
dhalandhoolin eeg dhalandhooli. ld dhalandhoolis.
dhalandhoolis ld dhalandhoolin.
dhalandoori Wax dhalankooda beddedid.
dhalandoorin eeg dhalandoori. ld dhalandooris.
dhalandooris ld dhalandoorin.
dhalandoorsan Wax la dhalandooriyay ahaansho.
dhalandoorsanaan eeg dhalandoorsan. ld dhalandoorsanaansho.
dhalandoorsanaansho ld dhalandoorsanaan.
dhalanrog (1) 1. Isbeddel wax dabeecaddiisa, firkiisa, muuqaalkiisa iwm ku dhaca. 2. ld dhalanrogid.
dhalanrog (2) Wax dabeecaddiisa, firkiisa, muqaalkiisa beddelid.
dhalanrogan (1) Wax la dhalanrogay noqosho.
dhalanrogan (2) Wax la dhalanrogay ahaansho.
dhalanrogid eeg dhalanrog². ld dhalanrog¹ (2).
dhalanrogmad ld dhalanrogmasho.
dhalanrogmasho eeg dhalanrogmo. ld dhalanrogmad.
dhalanrogmid eeg dhalanrogan¹.
dhalanrogmo Wax dhalanrog ku dhacay noqosho.
dhalanrognaan eeg dhalanrogan². ld dhalanrognaansho.
dhalanrognaansho ld dhalanrognaan.
dhalanteed (1) Wirwir; dhaan dabaggaalle.
dhalanteed (2) (c.naf) Marka aad qabto wax dhalanteed ah.
dhalanxumaan eeg dhalanxun. ld dhalanxumaansho, dhalanxumi, dhalan- xumo.
dhalanxumaansho ld dhalanxumaan.
dhalanxumi Dabeecad, fir, muuqaal iwm aan la jeclaysan oo wax leeyahay. ld dhalanxumaan.
dhalanxumo ld dhalanxumaan.
<< < 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 > >>

 

Exit mobile version