laal (1) Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.
laal (2) 1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin.
laalac (1) Lalmashada wax meel sare ka lalmadaan.
laalac (2) Wax meel sare ka lalmasho.
laalacshoobid eeg laalacshow². ld laalacshow¹.
laalacshoomid eeg laalacshoon². ld laalacshoon¹.
laalacshoon (1) ld laalacshoomid, laalacshow¹.
laalacshoon (2) ld laalacshow².
laalacshow (1) Meel sare inta gacmaha lagu qabsado oo la iska soo laalaadiyo (ciyaar jimicsi ku dhisan). ld laalacshoobid, laalacshoon¹.
laalacshow (2) Ciyaar jimicsi ku dhisan, meel sare inta gacmaha lagu qabsado iska soo laalaadin. ld laalacshoon².
laalan (1) Wax meel kore saaran noqosho.
laalan (2) 1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho.
laali Cid warwareejin.
laalid eeg laal². ld laalis.
laalin eeg laali.
laalis ld laalid.
laallaab (1) ld laablaab¹.
laallaab (2) ld laablaab².
laallaabad ld laablaabasho.
laallaaban (1) ld laablaaban¹.
laallaaban (2) ld laablaaban².
laallaabasho ld laablaabasho.
laallaabid ld laablaabid.
laallaabmid ld laablaabmid.
laallaabnaan ld laablaabnaan.
laallaabnaansho ld laablaabnaan.
laallaabo ld laablaabo.
laallaad (1) Ka raaracidda wax meel sare ka raaracaan.
laallaad (2) Wax meel sare ka raaracid.
laallaadi Wax meel sare ka raaricin.
<< < 936 937 938 939 940 941 942 943 944 945 946 > >>