labbalabboo ld lallabboo.
labbalabbood ld lallabbood.
labballabbo ld lallabo.
labbax 1. Dad badan ama waxyaalo badan, qof ama wax ka doorasho. 2. Qof la soo bixid. 3. Gabar guursasho.
labbis1 1. Dhar lagu xarragoodo. 2. Dhar gaar ah oo lagu yaqaano ciidamada, ardada iwm. ld lebbis¹. labbis2 Qof dhar xirasho. ld lebbis². labbisad ld labbisasho.
labbisan Qof dhar qurxoon xirtay ahaansho. ld lebbisan.
labbisasho eeg labbiso. ld labbisad, lebbisad, lebbisasho.
labbisid eeg labbis². ld lebbisid.
labbisnaan eeg labbisan. ld labbisnaansho, lebbisnaan, lebbisnaansho.
labbisnaansho ld labbisnaan.
labbiso Labbis qaadasho.
labbixid eeg labbax.
labee Wax mid ahaa wax kale ku darid.
labeeb1 1. Nafley astaamihii dheddigga iyo labkaba leh. 2. Xayawaan ama geed ubaxley ah oo xubnaha taranka ee dheddigga iyo labkaba leh. ld labeebshe, labeebyo. labeeb2 Nafley labeeb ka yeelid. labeebnimo Labeeb ahaansho.
labeebshe 1. ld labeeb¹. 2. (bot.) Geedgaab leh caleemo yaryar, qodxo yaryar oo toostoosan, laamo toostoosan oo cadcad iyo miro macaan oo la cuno; garoorshe.
labeebyo ld labeeb¹.
labeen Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
labeenaysad ld labeenaysasho.
labeenaysasho eeg labeenayso. ld labeenaysad, labeenaysi.
labeenaysi ld labeenaysasho.
labeenayso Labeen yeelasho.
labeensad ld labeensasho.
labeensasho eeg labeenso. ld labeensad, labeensi.
labeensi ld labeensasho.
labeenso 1. Wax labeen ka qaadasho. 2. Labeen marsasho.
laben 1. Shay dhoobo ka samaysan oo la dubo qaabab badanna loo yeelo oo wax lagu dhiso. 2. Caano.
page : 950 of 1584
<< < 945 946 947 948 949 950 951 952 953 954 955 > >>