Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
larnaansho  ld larnaan.
lasiman  La mid ahaansho; la cabbir ahaansho.
lasimnaan  eeg lasiman. ld lasimnaansho.
lasimnaansho  ld lasimnaan.
lasow  Dhadhanka wax faaday.
lataliye  Qof aqoon gaar ah ku taqasusay oo arrimaha la xiriira kala taliya madax dawladeed ama hay'adeed iwm.
lawlaw1  1.Gariir nafleydu dareento oo qabow badani sababo. 2. L. ah: qof aad u gaboobay. lawlaw2  1.Nafley, qabow badan awgiis gariirid. 2. Gabow awgiis la cantatamid (qof). lawlawid  eeg lawlaw².
lax  1. Neef ido ah oo curtay. 2. Meesha xoonku ku hoydo oo ilmaha gashado.
laxaad  ld lixaad.
laxaadsad  ld lixaadsasho.
laxaadsasho  ld lixaadsasho.
laxaadsi  ld lixaadsasho.
laxaadso  ld lixaadso.
laxaamad1  Macdan dhulka laga qodo, jaadad badan, jilicsan, oo marka la dhalaaliyo wax lagu alxamo. laxaamad2  Bir iwm alxamid. laxaamadan  Wax la alxamay ahaansho (bir iwm).
laxaamadid  eeg laxaamad².
laxaamadnaan  eeg laxaamadan. ld laxaamadnaansho.
laxaamadnaansho  ld laxaamadnaan.
laxamee  (muus.) Laxan u yeelid.
laxameyn  eeg laxamee.
laxan  Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
laxaw  Kaar iyo xanuun, meel gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah dareemo.
laxle  (c.nafl.) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.
laxmar  1. Galgaal, cadaad (xiddigo). 2. Dheddig (xayawaan ama dad) oo dhalmo darro darteed la cayilay.
laxni  Wax si qalad ah loo qoro ama loogu dhawaaqo.
laxo  Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. ld lixo.
laxoox  Kimis ballaaran, xalleefsan oo bur ama budo la dubay ka samaysan; canjeero.
page : 959 of 1584
<< < 954 955 956 957 958 959 960 961 962 963 964 > >>

 

Exit mobile version