Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
lay  1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. ld laa.
layaab  Dareen aan caadi ahayn oo ka dhasha dhacdo lamafilaan ah. ld yaab.
layac1  ld laayac¹. layac2  ld laayac². layacan1  ld laayacan¹. layacan2  ld laayacan². layacmid  eeg layacan¹. ld laayacmid.
layacnaan  ld laayacnaan.
layacnaansho  ld laayacnaan.
laydi  1. Afargees xaglo quman oo labada dhinac ee iska soo horjeeda ay isla egyihiin. 2. Nooc gogosha ka mid ah.
layeele  (nax.) Magaca tilmaama qofka ama shayga uu ku dhaco falka yeeluhu sameeyo. Tus. “Saynab waraaq ayay qortay”.
layicid  ld laayicid.
layiig  Hoore markuu shubmayo jiidma ee aan googo'in.
layiignimo  Layiig ahaansho.
layli1  1. Rati aan weli rar baran. 2. Tababbaridda qof loo tababbaro hawl gaar ah. layli2  1. Awr rar barid. 2. Cid tababbar siin. laylin  ld layliyid.
laylis  ld laylyid.
laylisan  ld laylyan.
laylisanaan  ld laylyanaan.
laylisanaansho  ld laylyanaan.
layliyid  eeg layli. ld laylin, laylis, laylyid.
laylo  Ciyaar carruurtu ku dheesha dhagxaan quruurux ah, saalo geel iwm oo ku jirta laba iyo toban god oo laba labo isaga soo horjeeda; godadow.
layloon  Dhar jilicsan, qafiif ah, jirku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. ld nayloon.
laylyan  Wax la tababbaray ahaansho. ld laylisan.
laylyanaan  eeg laylyan. ld laylisanaan, laylisanaansho, laylyanaansho.
laylyanaansho  ld laylyanaan.
laylyid  eeg layli². ld laylis, layliyid.
layn1  1. Xarriiq toosan oo meel ku calaamadaysan. 2. Saf. 3. Xarig koronto, taleefan iwm oo isku xira laba meelood ama in ka badan. layn2  eeg lay.
page : 960 of 1584
<< < 955 956 957 958 959 960 961 962 963 964 965 > >>

 

Exit mobile version