dhallaannimo Dhallaan ahaansho.
dhallaax Subag, labeen, xeydh, timir cajiiman iwm oo weelsalkiisa ku jira.
dhalleec1 ld dhalleex¹. dhalleec2 ld dhalleex². dhalleeci ld dhalleexi.
dhalleecid ld dhalleexid.
dhalleecin ld dhalleexin.
dhalleeco ld dhalleexid.
dhalleecsad ld dhalleexsasho.
dhalleecsasho ld dhalleexsasho.
dhalleecsi ld dhalleexsasho.
dhalleecso ld dhalleexso.
dhalleex1 1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. ld dhalleec¹, jalleec¹. dhalleex2 1. (f.g) Dhinac eegid. 2. (f.mg) Wax janjeerin. ld dhalleec², jalleec². dhalleexi Weel janjeerin. ld dhalleeci, janjeeci.
dhalleexid eeg dhalleex². ld dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid.
dhalleexin eeg dhalleexi. ld dhalleecin, jalleecin.
dhalleexo ld dhalleexid.
dhalleexsad ld dhalleexsasho.
dhalleexsasho eeg dhalleexso. ld dhalleecsad, dhalleecsasho, dhalleecsi, dhalleexsa.
dhalleexsi ld dhalleexsasho.
dhalleexso 1. Dhinac eegid. 2. Ka dh.: wax ka gaabsasho. ld dhalleecso, jalleecso.
dhallin 1. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da'weyn.
dhallinciil ld dhallaanciil.
dhallinyar1 Dadka inta da'dooda u dhexeyso gaashaanqaad ilaa garmadoobe. ld dhallinyaraan. dhallinyar2 Qof da'diisu yartahay ahaansho. dhallinyaraan eeg dhallinyar². ld dhallinyar¹, dhallinyaraansho, dhallinyari.
dhallinyaraansho ld dhallinyaraan.
dhallinyarannimo Dhallinyaro ahaansho.
dhallinyarayn (juqr.) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
page : 97 of 218
<< < 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>