lufan Xarig iwm oo duugnimo awgeed la dhammaaday oo googo'ay.
lufid eeg luf².
lufluf1 Cunto hambo ah oo laysu soo uruuriyey. lufluf2 Cunto yar oo hambo ah uruurin. luflufid eeg lufluf².
luflufo Hambo uruursasho.
lug 1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.
lugabaxsasho eeg lugabaxso. ld lugabaxsi.
lugabaxsi ld lugabaxsasho.
lugabaxso Socod curuqtirasho ah meel dhow ku tegid. ld majabaxso.
lugadduw Isku l.: wax kala daadsan isu uruurin.
lugadduwid eeg lugadduw.
lugayn eeg lugee. ld lugays.
lugays ld lugayn.
lugbax Kala l.: wax iska reebid.
lugbixid eeg lugbax.
lugcad Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
lugdambeedi Cid lala socday wax yar ka harid.
lugdambeedin eeg lugdambeedi. ld lugdambeedis.
lugdambeedis ld lugdambeedin.
lugdheer Garabqodo.
lugduub1 1. Fuulidda faras si deg deg ah loo fuulo. 2. Si habaysan oo lugaha loo rogrogo marka ciyaar la tumayo. ld lugduubid. lugduub2 1. Faras si degdeg ah u fuulid. 2. Ciyaar si habaysan lugaha u rogrogid. lugduubid eeg lugduub². ld lugduub¹.
lugee Gaadiid la'aan meel socod ku aadid.
lugey Qof lug la'.
lugeyn eeg lugee. ld lugeys.
lugeys ld lugeyn.
luggeli 1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iwm carqaladayn.
luggelin eeg luggeli. ld luggelis.
page : 977 of 1584
<< < 972 973 974 975 976 977 978 979 980 981 982 > >>