Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mardaaddi
bur (3) Biyo aad u karkarid.
bur (4) 1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.
buraambur (1) Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.
buraambur (2) 1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid.
buraamburid eeg buraambur².
buraash (1) 1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.
buraash (2) Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.
buraashad Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.
buraashan Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.
buraashid eeg buraash². ld buraash¹ (2).
buraashnaan eeg buraashan. ld buraashnaansho.
buraashnaansho ld buraashnaan.
burabbahalaad (daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.
buracaanood (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
burad ld buruud.
buraddee U b.: cid wax siyaada ah siin.
buraddeyn eeg buraddee. ld buraddeys.
buraddeys ld buraddeyn.
buraree ld buree.
burareyn ld bureyn.
burareys ld bureyn.
buray (1) ld buro¹.
buray (2) ld buro².
burbur (1) 1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).
burbur (2) Wax is haystay, cadad yaryar u kala jebid. ld burur² (2).
burburi Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. ld bururi (2).
burburid eeg burbur². ld bururid.
burburin eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.
burburis 1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.
burbursad ld burbursasho.
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 > >>

 

Exit mobile version