luqunjibbaar (1) Legdidda nafley la legdo iyadoo qoorteeda la wareejinaayo.
luqunjibbaar (2) Nafley iyadoo luqunteeda la wareejinaayo legdid. ld luqunjebi.
luqunjibbaarid eeg luqunjibbaar². ld luqunjebin, luqunjebis.
lur (1) Dhibaato, shiddo, luggooyo.
lur (2) Cid dhibid, shiddayn, luggoyn.
luran (1) Wax la luray noqosho.
luran (2) Wax la luray ahaansho.
lurid eeg lur².
lurmid eeg luran¹.
lurnaan eeg luran². ld lurnaansho.
lurnaansho ld lurnaan.
luubaan Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
luubaandakar Xabagta mayddiga.
luud Tabardarro awgeed tartiib u socosho.
luudi (1) Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka.
luudi (2) Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).
luudid eeg luud.
luudin eeg luudi². ld luudis.
luudis ld luudin.
luuf ld liif².
luuf (1) 1. Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray (hilib, rooti). 2. ld liif¹.
luufid ld liifid.
luufluuf (1) Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay.
luufluuf (2) 1. Weel iwm dildillaacid. 2. Wax baabi'id.
luufluufi 1. Wax dildillaacin. 2. Wax baabi'in.
luufluufid eeg luufluuf².
luufluufin eeg luufluufi. ld luufluufis.
luufluufis ld luufluufin.
luufluufsan Wax luufluuf hayo ahaansho.
luufluufsanaan eeg luufluufsan. ld luufluufsanaansho.
<< < 976 977 978 979 980 981 982 983 984 985 986 > >>