m (ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.
ma1 Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”. ma2 1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”. ma3 ld mise. ma4 1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?. ma'wi Ceel biyo badan.
ma-milme (kiim.) Iskudhis milmiddiisu aad u hooseeyso (marka lagu daro mile gaar ah).
maab Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada.
maaci 1. Geedaha intooda dhuuxa adag. 2. Waxkastoo adag.
maacuun Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm.
maad 1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado.
maad1 Hadal ama sheeko lagu qoslo. maadaama Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska joog”. ld maaddaama.
maadad ld maadasho.
maadasho eeg maado. ld maadad, maarad, maarasho.
maaddaama ld maadaama.
maaddad ld maaddo.
maaddi1 M. ah: qof lacagta, xoolaha aad u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya. maaddi2 (fiis.) M. ah: tibix la cabbiri karo ama qiimaheeda xisaabeed la soo saari karo. maaddiyad (fals.) Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.
maaddo 1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld maaddad.
maadee (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.
maadeyn eeg maadee. ld maadeys.
maadeys 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. ld maadeyn.
maadeysad ld maadeysasho.
maadeysasho eeg maadeyso. ld maadeysad, maadeysi.
maadeysi ld maadeysasho.
maadeyso Ku m.: qof ku dheeldheelid.
maadhiin Bunduq xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore la isticmaali jiray.
maadi Wax halis ka dhawrid. ld maari.
page : 983 of 1584
<< < 978 979 980 981 982 983 984 985 986 987 988 > >>