maar2 1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato. maarad ld maadasho.
maaran Ka m.: wax ka kaaftoomid.
maararroobid eeg maarrow².
maararrow1 Madaddaalo qof waqtiga isku dhaafiyo. maararrow2 Wax madaddaalo ahaan waqtiga isugu dhaafin. maararruugle Gudcur badan oo aan waxba la arki karin.
maarasho ld maadasho.
maaraweyn Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
maardhood1 Ged-gaddoonka uu sameyo qof aad u xanuunsanaya. maardhood2 Qof xanuun weyni hayo gedgaddoon samayn. maardhoodid eeg maardhood².
maaree 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
maareeye Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
maareyn eeg maaree.
maareysan 1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
maareysasho eeg maareyso.
maareysnaan eeg maareysan. ld maareysnaansho.
maareysnaansho ld maareysnaan.
maareyso 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho.
maari ld maadi.
maarin ld maadin.
maaris ld maadin.
maarmid eeg maaran.
maaro1 1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah. maaro2 ld maado. maaroobid eeg maarow.
maarow 1. Wax daxalasatay noqosho (bir). 2. Biyo muddo fadhiyey wax wasakh yeeshay noqosho.
maarriin Midab dadka u gaar ah oo u dhexeeya casaan iyo madowga.
maarsasho eeg maarso².
page : 991 of 1584
<< < 986 987 988 989 990 991 992 993 994 995 996 > >>