Maar

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)

1. Lakaybo isdul saar-saaran. 2. Afarta meesi ee xoolaha midkood. 3. Degaan geedo iyo ciid isku mid ah leh. 4. Dhawr warqadood oo turub ah oo hal mar la isku qaato ama la wada bixiyo. 5. Maal.

Maar

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga maar

maadasho | kaaftoon | kaalbaa | maadi | maadin | maado | oomaar | oomaar | oomaari | oomaarid |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg