sool Hawd oommane ah.
soolaji (baay.) Barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomi-gooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigoo-da, tadawurkooda iyo asowgooda.
soolane S. ah: 1. Nin aan xaas lahayn. 2. S. ah: shaah sonkortu ku yartahay.
soomaali1 Luqadda soomaalida u gaarka ah. soomaali2 Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-soomaaliga. soomaalinnimo Soomaali ahansho.
soomaaliyayn eeg soomaalyee.
soomaaliyee Soomaali ka dhigid.
soomaaliyoobid eeg soomaaliyow.
soomaaliyow Soomaali noqosho.
soomaggale Geedgaab laamo iyo caleemo dhuudhuuban oo duf cadi ku rogan tahay leh, kana mid ah dhirta wax lagu daaweeyo. ld soome, soone.
soomal Midab caddaan furan ah oo geela iyo iwm. yeeshaan.
soomal-may Midab caddaan iyo guduud furan isugu jira oo geelu yeesho.
soomaliyayn eeg soomaaliyee.
soome ld soomaggale.
soomi Nafley cunta u diidid.
soomid eeg soon².
soomiir ld suummiir.
soomin eeg soomi.
soomman Qof soon ku jira ahaansho.
soommanaan eeg soomman. ld soommanaansho.
soommanansho ld soommanaan.
soon1 1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi. soon2 Soon gudasho. soondheere Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
soone Meel; gobol.
soonfur Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.
soonge Doqon; nacas.
soongur Nafley yar oo dabada dhogor badan ku leh oo dabagaallaha u eg. ld saangur.
soonqaad Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.
page : 103 of 118
<< < 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 > >>