Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
mamman  1. Wax mammay ahaansho. 2. Wax, wax ku dhiirran ahaansho.
mammanaan  eeg mamman. ld mammanaansho.
mammanaansho  ld mammanaan.
mamnuuc1  M. ah: wax aan fasax loo qabin sameeyntooda. mamnuuc2  Wax, wax reeban ka dhigid. mamnuucan  Wax la mamnuucay ahaansho.
mamnuucid  eeg mamnuuc².
mamnuucnaan  eeg mamnuucan. ld mamnuucnaansho.
mamnuucnaansho  1. eeg mamnuucnow. 2. ld mamnuucaan.
mamnuucnow  Wax la mamnuucay noqosho.
man  Ubax yar oo udgoon oo waqtiga jiilaalka geedaha qaarkood baxshaan.
manaafacaad1  Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin. manaafacaad2  Ku m.: wax ka faa'iideysasho. manaafacaadid  eeg manaafacaad².
manaafacaadsasho  eeg manaafacaadso.
manaafacaadso  Wax waxtarkiisa ka faa'iidaysasho.
manaahiij  eeg manhaj.
manaayo  Godob, utun.
mandad  Shey qaab jawaan leh oo ka samaysan xerko yar yar oo saahan, jawaankana ka qaadweyn, oo lagu shubto badarka, miraha iwm.
mandaleel  Shulug dheer, adag dhogor ka samaysan oo roobka dhaxanta iwm laga qaato.
mandaq  (fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
mandarad  1. Muraayad. 2. Guri dabaq ah.
mandariin  Liin xaali. ld mandariini.
mandariini  ld mandariin.
mandharaari  Mindhicirka geela kiisa yaryar; oo saaladu kabaxdo; xiidme.
mandhareer  Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
mandharuug  1. Geed miro cas-cas iyo guduudba leh dhala oo la cuno. 2. Miraha mandharuugga; murcood.
mandheer  (c.nafl.) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.
mandheerrey  (c.nafl.) Naasley mandheer leh.
mandhoorrey  Hal aad u shilis oo kurus weyn leh.
page : 1021 of 1584
<< < 1016 1017 1018 1019 1020 1021 1022 1023 1024 1025 1026 > >>

 

Exit mobile version