Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
mannoole  Wax aan naf lahayn.
manqas  Laba birood oo isku xiran afna leh oo wax lagu jaro; qardhabo. ld maqas.
manqax1  1. ld manqaxi. Qosol badan iyo cayaar. 2. ld manqixid. manqax2  Dad badan oo meel wada jooga hal mar wada qoslid. ld minqax². manqaxi  ld minqax¹ (1).
manqixid  eeg manqax². ld manqax¹, minqax¹, minqixid.
manqo  Dad iyo duunyo inta tabarta daran; maato.
mansab  Darajo.
mansacagaley  ld masacagaley.
mansalugaley  ld masacagaley.
mansalugooley  ld masacagaley.
manshashuur1  ld mashashuurid. manshashuur2  ld mashashuur². manshashuurid  ld mashashuurid.
manso  ld maso.
mansuun  (juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
mantag1  Cunto caloosha ku jirto oo afka laga keeno. ld matag¹. mantag2  Cunto caloosha ku jirto afka ka keenid. ld matag³. mantagid  eeg mantag². ld matagid.
mantaji  1. Cid mantag ka keenid. 2. Ka m.: cid fal ay sameeysay eedsiin. ld mataji.
mantajin  eeg mantaji. ld mantajis, matajin, matajis.
mantajis  ld mantajin.
manuunsasho  eeg manuunso. ld manuunsi.
manuunsi  ld manuunsasho.
manuunso  Qof, xanuun adkeysi u yeelasho.
manyac1  ld mayac¹. manyac2  ld mayac². manyacsan  ld mayacsan.
manyacsanaan  ld mayacsanaan.
manyacsanaansho  ld mayacsanaan.
page : 1024 of 1584
<< < 1019 1020 1021 1022 1023 1024 1025 1026 1027 1028 1029 > >>

 

Exit mobile version