Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
maqaddin  Madax; hoggaamiye.
maqal1  1. Awood dheguhu wax ku dareemaan. 2. ld maaqal (1) Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 3. Dixiri yaryar oo digada xoolaha ka dhasha; maqli. maqal2  Ubadka ariga. maqal3  Shanqar iwm dhegaha ku dareemid. maqalsii  ld maqashii.
maqalsiin  ld maqashiin.
maqan  1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.
maqanajooge  Qof maahsan.
maqaraaruf1  ld maqaraarufid. maqaraaruf2  Cunto yar dhulka ka urursasho. maqaraarufid  eeg maqaraaruf². ld maqaraaruf¹.
maqas  ld manqas.
maqashii  Cid war dhagaysiin. ld maqalsii.
maqashiin  eeg maqashii. ld maqalsiin.
maqbaro  1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
maqdarad  Xaflad weyn oo cid wax loogu qaaraamo.
maqiiq1  ld maqiiqid. maqiiq2  1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid. maqiiqan  1. Si degdeg iyo nasasho la'aan ah wax meel ugu socdo ahaasnho. 2. Si gabbasho la'aan ah wax uga soo horjeedo ahaansho (wax).
maqiiqid  eeg maqiiq². ld maqiiq¹.
maqiiqnaan  eeg maqiiqan. ld maqiiqnaansho.
maqiiqnaansho  ld maqiiqnaan.
maqil  Firiiric, fin doob.
maqle  ld maqli (1).
maqlee  Beer maqli ka dhigid.
maqleyn  eeg maqlee.
maqli  1. ld maqle. Beer, bari iyo hilib la jarjaray oo laysku shiilay. 2. Dixri ku dhasha hilibka baruurta leh.
maqlid  eeg maqal³.
maqnaan  eeg maqan. ld maqnaansho.
maqnaansho  eeg maqnow. ld maqnaan.
page : 1026 of 1584
<< < 1021 1022 1023 1024 1025 1026 1027 1028 1029 1030 1031 > >>

 

Exit mobile version