marabboob (bot.) Ubax la mood qodxo yaryar ah oo ka baxa nooc cawska ka mid ah oo dharka ku dhega.
marad ld marasho².
maradhaami Cid maaweelo nayaayiro leh u jeedin.
maradhaamin eeg maradhaami.
maradhaamo Maaweelo nayaayiro leh.
maradhaarayn ld maradhaarin.
maradhaaree ld maradhaari.
maradhaari Wax dhaqaalayn. ld maradhaaree.
maradhaarin eeg maradhaari. ld maradhaarayn, maradhaaris, maradhaaro.
maradhaaris ld maradhaarin.
maradhaaro Tashiilidda wax la tashiilo. ld maraadharin.
maradhaarsasho eeg maradhaarso.
maradhaarso Wax tashiilasho.
marafur Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban oo wax lagu dhisto, waxna lagu daaweeyo.
marag 1. Qof wax dhacay goobjoog u ahaa; markhaati. 2. Arrin ama raad caddaynayo wax dhacay.
marag (1) Ceego. ld mereg.
maragfur (1) Sheegidda wax dhacay oo goobjoog loo ahaa la sheego. ld maragfurid.
maragfur (2) Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid.
maragfurid eeg maragfur². ld maragfur¹.
maragkac (1) ld maragkicid.
maragkac (2) Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid.
maragkicid eeg maragkac². ld maragkac¹.
maragmaddoonto M. ah: dhacdo cad oo aan markhaati u baahnayn.
maragsan Nafleey wax la merjiyay ahaansho. ld meregsan.
maragsanaan eeg maragsan. ld maragsanaansho, meregsanaan, meregsanaansho.
maragsanaansho ld maragsanaan.
maragsasho ld maragsiin.
maragsii Cid marag ka dhigasho. ld maragso.
maragsiin eeg maragsii. ld maragsasho.
maragso ld maragsii.
<< < 1024 1025 1026 1027 1028 1029 1030 1031 1032 1033 1034 > >>