Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
maratoon  Orod dheer oo lagu tartamo.
marawaxad  1. Qalab bir, caag iwm ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. ld marawaxo, marwaxad, marwaxo.
marawaxadi  1. Wax babbin. 2. Marwaxad wax ku qaboojin. ld marwaxadi.
marawaxadin  eeg marawaxadi. ld marwaxadin.
marawaxo  ld marawaxad.
maraweyn  Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
marax1  1. Wax la kaydsado; dhaqaale. 2. Hilib muddo yiil oo aan isbeddelin. 3. Ur suyac ah. marax2  1. Hilib wax isbeddeley noqosho. 2. Wax suyacay noqosho (Caano, biyo iwm). maraxsad  ld maraxsasho.
maraxsan  1. Wax la dhaqaaleyey ahaansho. 2. Hilib wax suyacay ahaansho.
maraxsanaan  eeg maraxsan. ld maraxsanaansho.
maraxsanaansho  ld maraxsanaan.
maraxsasho  eeg maraxso. ld maraxsad, maraxsi.
maraxsi  ld maraxsasho.
maraxso  Wax dhaqaalaysasho.
maraykaan  Dhar cad, suuf ah, adag oo reer miyigu qaataan.
marbooc  Dhar midab cad leh oo baftada ka jurmi weyn kana adag. ld marbuuc, murbooc.
marbuuc  ld marbooc.
marcurad  Neef xoola ah oo hal mar keliya wax dhalay.
marcuradnimo  Marcurad ahaansho.
marcurasho  Dhalidda marka ugu horreeysa ay wax dhalaan dheddigoodka.
mardaaddi1  Xarragada dhar qurxoon lagu xarragoodo. mardaaddi2  Dhar qurxoon xirasho. mardaaddin  ld mardaaddiyid.
mardaaddiyid  eeg mardaaddi². ld mardaaddin.
mardaaf  Qumbe curdun ah.
mardabaan  Aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan; jalxad.
mardabayn  eeg mardabee.
mardabee  Cid khiyaamid si loo luggooyo.
mardabo  Khiyaamo waqti lumin iyo luggooyo ku jirto; dhagar. ld mardaddabaan, mardaddabo.
page : 1031 of 1584
<< < 1026 1027 1028 1029 1030 1031 1032 1033 1034 1035 1036 > >>

 

Exit mobile version