maxaamil eeg maxmil¹.
maxaansugaa Nooc cawska ka mid ah oo marka roobku da'o dhaqso u soo baxa, dhaqsana qallala.
maxaar ld maxaad.
maxaawacay ld maxay.
maxaayeelay ld maxay.
maxabbo Jacayl. ld muxubbo.
maxaddo Xarunta baska tareenka iwm ka baxaan loogana dego.
maxajabad Qof haween ah oo aan guriga ka bixin. ld maxajabo.
maxajabo ld maxajabad.
maxal Ilmogaleenka dhaddigoodka; makaan; ilmoside; min.
maxammas1 M. ah: bunka beerkisa marka inta la dubo la tumo ee uu daqiiq noqdo. maxammas2 Bun beerkii iyo qasharkii dubid. maxammasan Wax la maxammasay ahaansho (bun).
maxammasid eeg maxammas².
maxammasnaan eeg maxammasan. ld maxammasnaansho.
maxammasnaansho ld maxammasnaan.
maxamuudi Nooc ka mid ah dharka la xirto oo midab cad leh; bafto.
maxan M. ah: neef ishkin ah, aad u buuran oo aan dhalin.
maxas Dad ama duunyo la itaal yar leh da'ama dhibaato darteed.
maxay 1. Erey weyddiimeed oo ka kooban 'maxaa'iyo 'ay', labo xaaladood ayaana loo adeegsadaa, sida: a) “Waa maxay?”; b) “Maxay doonaysaa ama doonayaan?” 2. Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye; maxaawacay; maxaayeelay; waayo. Tus. “Shalay kuuma imaan, maxaajiraa, hawl baan lahaa”.
maxaysato ld mahaysato.
maxbuus Qof ikhtiyaarkii laga qaaday oo meel gaar ah lagu ilaaliyo.
maxdin Labo dhagax oo mid fidsanyahay kan kaleetana mucdanyahay oo badarka lagu riqdo, iyadoo labada dhagax laysku rugayo; shiid. ld mixdin.
maxile Nin aan xil lagu aamini karin.
maxisho Haweenay aan xil lagu aamini karin.
maxkamad 1. Hoy dacwadda lagu qaado. 2. Xukun hab dawli ah loo qaado. 2. Dadka xukunka qaada.
maxlal1 Meherka naag la furay oo nin kale muddo gaaban ay guursato si ay ugu noqoto ninkeedii hore. maxlal2 Naag rabta in ay ninkedii hore ku noqoto nin kale muddo gaaban mehersasho. maxlalan Wax la maxlalay ahaansho (naag).
maxlalasho eeg maxlalo.
page : 1052 of 1584
<< < 1047 1048 1049 1050 1051 1052 1053 1054 1055 1056 1057 > >>