maxlalid eeg maxlal².
maxlalnaan eeg maxlalan. ld maxlalnaansho.
maxlalnaansho ld maxlalnaan.
maxlalo Maxlal sameysasho.
maxmaas Birdaawada bunka lagu dubo ama lagu saloolo.
maxmil1 1. Rixli. 2. Bir qaroofan oo yaxaasbadeedka lagu dabo. 3. Maro xariir-madow ah oo tal iyo quraan lagu qurxiyey oo kabcada lagu dado. maxmil2 Libaax-badeed maxmil ku dabid. maxmilan Wax maxmil lagu qabtay ahaansho (libaax-badeed).
maxmilid eeg maxmil².
maxmilnaan eeg maxmilan. ld maxmilnaansho.
maxmilnaansho ld maxmilnaan.
maxmiyad (juqr.) Degaan ay sameeyeen dad ka soo fogaaday dalkii ay u dhasheen; degaanka cusubi sida caadiga ah waa mid aan hore loo degganeyn amase loo degganaa si teel-teel ah.
maxsuul-aayooneed (kiim.) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah. may diid. ld maya. maya diid. Erey tilmaama jawaab diidmo ah. ld may.
mayaay1 ld mayay¹. mayaay2 ld mayay². mayaayid ld mayayid.
mayac1 1. Caano dhaynimadii ka tegay suusacna aan gaarin. 2. Kibir. ld manyac¹. mayac2 1. Mayac noqosho (caano). 2. Wax kibray noqosho. ld manyac². mayacsan Wax mayacay ahaansho (caano). 2. Wax kibir hayo ahaansho. ld manyacsan.
mayacsanaan eeg mayacsan. ld manyacsanaan, manyacsanaansho, mayacsanaansho.
mayacsanaansho ld mayacsanaan.
mayal Siddada gaashaanka.
mayay1 Roob xoog leh oo maalinta gelinkeeda hore da'a. ld mayaay¹. mayay2 Maalin gelinkeeda hore, roob di'id. ld mayaay². mayayid eeg mayay². ld mayaayid.
mayddi1 (bot.) Geed-quwaax dhererkiisu meel dhexaad yahay, qodax lahayn, caleen yaryar iyo laamo jilicsan leh,oo ka baxa buuraha dhaadheer iyo dhadhaabah korkooda, oo dhale xabag udgoon oo la shito. mayddi2 Nooc ka mid ah faleenka oo ah geedka ugu heer sarreeya. maydhaamad ld maydhaamasho.
maydhaamasho eeg maydhaamo. ld maydhaamad.
maydhaami Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid.
page : 1053 of 1584
<< < 1048 1049 1050 1051 1052 1053 1054 1055 1056 1057 1058 > >>