Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
maydhaamid  eeg maydhaan². ld maydhaan¹ (3).
maydhaamin  eeg maydhaami. ld maydhaamis.
maydhaamis  ld maydhaamin.
maydhaamo  Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelasho si loogu raadgado.
maydhaan1  1. Xoolo la xaday oo xoolo kale lagu lagu badasho si loogu raadgado. 2. Muquuno wax ka qiimo badan lagu beddesho. 3. ld maydhaamid. maydhaan2  1. Wax muquuno ah, wax wanaagsan ku beddelid. 2. Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid, si loogu raadgado. maydhax1  ld mayrax. maydhax2  (bot.) Nudo cunto gudbiya oo ay leeyihiin dhirta keliya. Cuntada waxay ka soo qaadaan halka lagu sameeyo, waxaanay geeyaan meelaha looga baahanyahay, sida meelaha korritaanka. maydicid  eeg mayac². ld manyicid.
maye  eeg mee.
mayici  1. Caano mayac ka dhigid. 2. Cid kibrin.
mayicid  eeg mayac². ld manyicid.
mayicin  eeg mayici. ld manyicin.
maykarafoon  Qalab tamarta jabaqda u beddesho tamar danab. Waa qaybta ugu horreysa ee telefoonnada iyo war baahiyayaasha.
mayl  Cabbir dhererkiisu yahay 1609.35 mitir. ld miil (4).
mayl badeed  (juqr.) Halbeeg fogaansho ee lagu isticmaalo maaxidda badda oo la eg dhererka hal daqiiqo (1') ee tigraar goobo weyn oo ku sawiran isfeer la bed ah dhulka; mayl badeed waa 6,080 ft. ugu dhawaan.
mayl-juqraafi  (juqr.) Cabbir dherer oo la mid ah hal lixdameedka digrii ama hal daqiiqo ee lool; dabcan wuu isla beddelaa loolka, laakiin ugu dhawaan wuxuu la egyahay cabbirkaasi 6,080 cagood, cabbirkanina waa midka guud ahaan la aqbalsanyahay.
mayli  Dherer inta mayl ee uu yahay xisaabid.
mayliin  ld maayliin.
maylin  eeg mayli.
mayllin  1. Bir caarad dhuuban oo wax mudda. 2. Bir yar oo indhakuusha lagu marsado.
mayoonge  Xasharaad yaryar, duula, oo quuta dhacaanka ubaxa, dadka iyo duunyadaba dhiba.
mayr1  Caws waaweyn ama caw rarada laga sameeyo. ld mayro. mayr2  1. Wax biyo ku dhaqid. 2. U m.: cid u qubayn. mayrac1  Daajinta xoolaha fiidkii la daajiyo. mayrac2  Xoolo fiid daajin. mayracad  ld mayracasho.
mayracasho  eeg mayraco. ld mayracad.
mayracid  eeg mayrac². ld mayricid.
mayraco  1. (f.g) Xoolo fiid daajisasho. 2. (f.mg) Goor galab ah daaqid (xoolo).
page : 1054 of 1584
<< < 1049 1050 1051 1052 1053 1054 1055 1056 1057 1058 1059 > >>

 

Exit mobile version