mayr
(m.dh)Caws waaweyn ama caw rarada laga sameeyo. ld mayro.
mayr
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Wax biyo ku dhaqid. 2. U m.: cid u qubayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mayr ↴
saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la
isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun
saabbuuncadar [m.dh]
Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
jaafi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
ohli [m.l]
(ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.
wacaari [m.dh]
Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.
xagmar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Xagmaalid. 2. Qayb candhada xoolaha mayrax ku marid.
xal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Biyo yar weel ku mayrid.
adab [m.dh] (-byo, m.l)
1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.
baraley [m.dh]
Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.