midabee 1. Wax midab u yeelid. 2. Reer hayaan ah habeen meel ku sii dhixid; midbee.
midabfaquuq1 Yasidda iyo qiimadilka, qof lagu sameeyo midabkiisa awgiis. ld midabtakoor¹. midabfaquuq2 Cid midabkeeda ku takoorid. ld midabtakoor². midabfaquuqid eeg midabfoquuq². ld midabtakoorid.
midabgaddoomid eeg midabgaddoon². ld midabgaddoon¹.
midabgaddoon1 Isbeddelka ku dhaca wax midabkiisa. ld midabgaddoomid. midabgaddoon2 Wax midabkoodu beddelmay noqosho. midabgumaysasho eeg midabgumayso. ld midabgumaysi.
midabgumaysi ld midabgumaysasho.
midabgumayso Cid midabgumaysi ku samayn.
midabsawir-saafid (kiim.) Xeelad lagu kala sooco ama lagu saafo iskujirrada kakan. Dhawr xeeladood oo la xiriira habkan ayaa jira, kuwa ugu muhiimsanina waa: midabsawir saafid dhuumeed, midabsawir saafid warqadeed, midabsawir saafidda lakabka dhuuban, midabsawir saafid neefeed iyo midabsawir saafidda isweydaarinta ayooneed.
midabside (baay.) Walax midab leh, sida: mayogolobiin oo ah nooc ka mid ah himogolobiin lagana helo unugyada muruqa, iyo kolorokurooriin oo ah midabside neefsasho oo ka kooban bir laga helo dhiigga qaar ka mid ah faylamka analiida.
midabtakoor1 1. (fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta intà gun iyo gob ka kala dhigta. 2. (siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq¹. midabtakoor2 Cid midabkeeda ku faquuqid. ld midabfaquuq². midabtakoorid eeg midabtakoor². ld midabfaquuqid.
midbayn eeg midbee.
midbee Reer hayaan ah habeen meel ku sii dhixid.
midbo M. ah: cid hayaan ah oo habeen meel ku sii dhaxda.
middaad ld maddaad.
middi ld mindi.
middiil ld mandiil.
midee Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. ld mideysii.
mideyn eeg midee. ld mideysiin.
mideysan Wax la mideeyay ahaansho (dad).
mideysii ld midee.
mideysiin ld mideyn.
mideysnaan eeg mideysan. ld mideysnaansho.
mideysnaansho 1. eeg mideysnow. 2. ld mideysnaan.
mideysnow Wax mideysan noqosho (dad).
midid eeg mid³.
page : 1065 of 1584
<< < 1060 1061 1062 1063 1064 1065 1066 1067 1068 1069 1070 > >>