milan caadi ah (kiim.) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iwm.
milan sare (baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta badan milanka kale.
milan-hoose (baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta yar milanka kale.
milan-joogtayn (kiim.) Milanka ku nagaada qiime pH oo madoorsoome ah marka lagu daro asiidho ama alkaliyo. Milannada joogtaynta waxa badanaaba ku jira asiidh daciif ah iyo hal nooc oo cusbooyinkeeda ah taas oo ka dhalatay beys xooggan sida milan ah asitig asiidh iyo naatriyam asiteyt.
milay 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. ld melay.
milcis Ilmo yar oo aan socod baran. ld micis.
mile (kiim.) Hoor awood u leh milidda walxaha kale (adke, hoor, ama neef) si milan u samaysmo. Milihu guud ahaan waa xubinta ugu badan milanka.
milgee 1. Cid xurmeyn. 2. Hadal asluub u yeelid. 3. Shabaag qaab milgo ah u sameyn. 4. Ceel miileyn.
milgeyn eeg milgee.
milgeysasho eeg milgeyso.
milgeyso 1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.
milgo 1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.
milic 1. Qorrax. 2. Kulka fallaaraha qorraxda.
milicsad ld milicsasho.
milicsasho eeg milicso. ld milicsad, milicsi.
milicsi ld milicsasho.
milicso 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax deg-deg u eegid.
milid eeg mil².
milif Raar ama maro duug ah.
miliilic1 Eegitaan isha lala sii raaco wax ay laabtu u bogtay. ld miliilicid. miliilic2 Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid. miliilicasho eeg miliilico.
miliilicid eeg miliilic². ld miliilic¹.
miliilico Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.
milikh Cagaar roob soo saaray oo jilicsan.
milil1 1. Dhecaan malax iyo dhiig isugu jira oo ay nabarrada hurgumaa yeeshaan. 2. Dhecaan ka yimaada nafley dhimatay marka ay muddo meel taal. milil2 1. Nabar hurgumay dhecaan iyo malax yeelasho. 2. Nafley dhimatay dhecaan ka dareerid. mililid eeg milil².
mililig ld miririg.
mililigeyn ld miririgleyn.
page : 1074 of 1584
<< < 1069 1070 1071 1072 1073 1074 1075 1076 1077 1078 1079 > >>