Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
miraaf1  Warwareeg badan oo aan ujeeddo lahayn oo meelo badan lagu tago. ld miraafid. miraaf2  Miraf sameyn ama meelo warwareegid. miraafid  eeg miraaf². ld miraaf¹.
miraale  Mahiigaan habeeneed.
miraayad  ld muraayad.
miraayo  ld meraayo.
miracas  Murcanyo.
miran  1. Qof roob ama col miray ahaansho. 2. Qof ama wax la miray ahaansho.
mirasho  eeg miro².
miratahan  Noole miro ku nool.
miraxareedaad  (c.nafl.) Ukunta kaneecada iyo xayawaanka kale ee biyo ku noolka ahi ka abuurmaan.
mirayn  eeg miree.
miraysasho  eeg mirayso.
mirayso  Miro gurasho.
mircanyo  ld murcanyo.
mirdareer  Geel meeshii uu fadhiyey inuu mirto awgeed uga dareerid.
mirdareerid  eeg mirdareer.
mirdhi  Ilmo dhicin (ri'irmaan). ld mirdhee.
mirdhid  ld miririd.
mirdhin  eeg mirdhi. ld mirdheyn.
mirdhis1  (mirdhis, m.dh) Geedgaab leh ubax cas oo dhaadheer, iyo sarab wanaagsan oo guryaha lagu dhisto. mirdhis2  Carjaw xalleefsan oo sanka labadeeda dul kala qoqobta. miree  1. (f.g) Xabbad lafo burburin. 2. (f.mg) Geed miro yeelasho. 3. (f.g) Hees iwm mireheeda tirin.
mirgi  ld merji.
mirgin  ld merjin.
mirgis  ld merjin.
mirid  eeg mir³.
miridhee  ld miridhi.
miridheyn  ld mirdhin.
miridho  Dhicinta ay neef rimani ilmo dhiciso.
page : 1080 of 1584
<< < 1075 1076 1077 1078 1079 1080 1081 1082 1083 1084 1085 > >>

 

Exit mobile version