Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
moosin  1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda badweynta Hindiya iyo Aasiyada koofureed. 2. Xilli; wakhti. 3. Nooc ka mid ah doonyaha.
moosnaan  eeg moosan. ld moosnaansho.
moosnaansho  ld moosnaan.
mooso  Moos samaysasho.
mootan  1. Wax dhintay ahaansho. 2. Qoor aan dheddigoodka u kacsanayn ahaansho.
mootanaan  eeg mootan. ld mootanaansho.
mootanaansho  ld mootanaan.
mooti  Wax meel dhaafin ama gudbin.
mootin  (fiis.) Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.
mooto  Gaadiid laba lugood, matoor iyo laba meelood oo la qabsado leh oo la fuulo.
mooy  1. Nooc shimbiraha ka mid ah. 2. ld mooye (2). Neef xoolaad oo tood ah (tooji). mooyaane qr. Qurub macnihiisu yahay “haddii laga reebo”; ma ahee. Tus. “Adiga m. qof kale ma imaan”. ld maahane, mooyee, mooyiye.
mooye  1. ld moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iwm lagu tumo. 2. ld mooy (2) M. ah: neef lo'ah oo aan geeso lahayn. mooyee qr. ld mooyaane. mooyiye qr. ld mooyaane.
moqor  1. Dalool yar oo jirridaha dhirta waaweyni yeelato oo kolkii biyaha roobku galaan dhuuno lagaga cabbo. 2. Dululaati hulan oo ku dhex jira jidh adag. ld maqoor.
moqor sambabeed  Dhinaca naasleyda, qayb ka mid ah qaaxada (saabka) hore ee bogga, waxaana ku jira sambabada.
moqorka kalka wadnaha  (c.nafl) Moqor uu ku yaallo wadnuhu. Dhinaca lafdhabarleyda waa qayb ka mid ah qaaxada oo ka soocan moqorka kalka ubucda.
moqorof  Shay bir ka samaysan oo af xalleefsan leh oo ciidda iwm lagu qaado marka wax la dhisayo.
moqorsasho  eeg moqorso. ld maqoorasho.
moqorso  1. Neef dhali raabo minkiisa kalabbixid. 2. Welwel dhan waliba la eegid (neef foolanaya). ld maqooro.
moqotin  Kooraha labadiisa dhinac ee qofku dhex fariisto midkood.
moraal  Dareen ku taxalluqa dabeecadda aadanaha ee kala sooca saxa iyo khaladka.
morayn  (jool.) Bur-bur dhadhaabeed kasta oo ka hara dhaqaaqa dhadhaabta baraf weynuhu uu hoosta ku jiidayo.
morfiin  (daaw.) Dawo aad u xoog badan oo xanuunka bi'sa keentana hurdo, waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo xanuun daran oo joogto ah.
morfooloji  (Baay.) Barashada qaabka iyo dhismaha, noolayaasha, gaar ahaan qaababkooda dibadda.
moroh  (moroh, m.dh) Jaad ka mid ah dhirta oo dhala beeyo udgoon.
Moskow  Magaalada Moskow (Af-Ingiriis: Moscow) waa Caasimada wadanka Ruuskha (Russia).
motoor  Qalab qaab tamareed sida, tamar danab u beddela tamar socod. ld matoor.
motooriste  Qof matoor ku shaqaya ama aqoon gaar ah u leh. ld matooriste.
motootax1  ld mataataxid. motootax2  ld mataatax². motootaxsan  ld mataataxsan.
page : 1089 of 1584
<< < 1084 1085 1086 1087 1088 1089 1090 1091 1092 1093 1094 > >>

 

Exit mobile version