Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xaydaan
cabbirid eeg cabbir². ld cabbiris.
cabbiris ld cabbirid.
cabbirnaan eeg cabbiran. ld cabbirnaansho.
cabbirnaansho ld cabbirnaan.
cabbur (1) Xirmidda sanku neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood. ld cabburid.
cabbur (2) Xubnaha hawomareenka neef si ciriiri ah uga soo bixid.
cabburi Cabbur ku ridid, neef ku celin.
cabburid eeg cabbur². ld cabbur¹.
cabburin eeg cabburi.
cabbursan Wax la cabburiyey ahaansho.
cabbursanaan eeg cabbursan. ld cabbursanaansho.
cabbursanaansho ld cabbursanaan.
cabbuul ld cambuul¹.
cabbuur Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo.
cabdo Naf; ruux.
cabeeb (1) Cudur lo'da iyo carruurta ku dhaca oo nabarro afka ugu yeela, dhareerna ka keena.
cabeeb (2) Cabeeb ku dhicid (lo'ama carruur).
cabeebid eeg cabeeb².
cabid (1) ld cabiid.
cabid (2) ld cabbid.
cabiid (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. ld cabid¹.
cabiidnimo Cabiid ahaansho.
cabiidsad ld cabiidsasho.
cabiidsamid eeg cabiidsan.
cabiidsan Addoon noqosho.
cabiidsasho eeg cabiidso. ld cabiidsad, cabiidsi.
cabiidsi ld cabiidsasho.
cabiidso Qof cabiid ka dhigasho.
cabo (1) Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la karhado.
cabo (2) Erayo calaacal ah dhihid.
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>

 

Exit mobile version