Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: geedeysnaansho
mullaaxi Geed mullaax ka diirid.
mullaaxin eeg mullaaxi. ld mullaaxis.
mullaaxis ld mullaaxin.
mullaaxsad ld mullaaxsasho.
mullaaxsasho eeg mullaaxso. ld mullaaxsad, mullaaxsi.
mullaaxsi ld mullaaxsasho.
mullaaxso Geed mullaax ka diirasho.
mullaay 1. Lakab mayrax ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka. 2. Liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iwm lagu duubo. 3. Liid maro ah, jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.
mulli (1) Biyo badan oo qof liqi karta; mool.
mulli (2) Xabagta geedaha qaarkood ka baxda oo cusub.
muluf Fuf caws ah. ld malaf.
mulul (1) 1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. ld mululid.
mulul (2) 1. Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. 2. Neef ari ah aad u caatoobid.
mululi Caano ciir ah dhay ku darid.
mululid eeg mulul². ld mulul¹ (4).
mululin eeg mululi.
mululrimid eeg mululrin². ld mululrin¹.
mululrin (1) Rimidda uu rimo dheddig mulul ah. ld mululrimid.
mululrin (2) Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho.
muluq (1) Ilmo da'diisu ka yartahay (6) lix bilood; murjuc.
muluq (2) 1. Qof qaawan; murduq. 2. Qof wixii uu lahaa ama haystay laga wada qaaday.
muluqmuluq 1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.
muluqmuluqlayn eeg muluqmuluqlee.
muluqmuluqlee Muluqmuluq samayn.
mulux Qare markaas soo baxay oo yar.
mulxid (1) (dii.) Gaal, kufri; qof aan diimaha rumaysnayn.
mulxid (2) (fals.) Qof aan xiisayn ama aan dan ka lahayn arrimaha ku saabsan diinta.
mulxidnimo (dii.) Mulxid ahaansho.
munaaddee ld muraaddee.
munaaddeyn ld muraaddeyn.
<< < 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 > >>

 

Exit mobile version