Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
qaar2  1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld qaaraami  1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. ld qaraami.
qaaraamid  eeg qaaraan².
qaaraan1  Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo. qaaraan2  U q.: xoolo dad badan ka ururin si qof u baahan loo siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah loogu fuliyo. qaarad  Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.
qaarayn  eeg qaaree.
qaarbuuco  ld qaarbuuxo.
qaarbuuxo  Weynaanta qaarka sare qof u weynyahay. ld qaarbuuco.
qaardheere  Dhicis xoolaad oo nool.
qaare  ld qaar².
qaare qaar3  Ubax, caleen iwm dhadid. qaaree  Nafley ul weyn ku garaacid.
qaarid  eeg qaar³. ld qaaris.
qaaris  ld qaarid.
qaarjeex  Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
qaarood  Deyd.
qaarqaad1  Dhinaca oo dhulka la dhigi waayo xanuun awgi; xaraarug. qaarqaad2  Xanuun awgii dhinaca dhulka dhigi waayid; xaraarugid. qaarqaadid  eeg qaarqaad².
qaarqaaqan  Q. ah: geed aan hoos badan lahayn.
qaarri  Mindi, masaar, toorray iwm oo afbeeshay soofayn.
qaarrin  eeg qaarri. ld qaarris.
qaarris  ld qaarrin.
qaarsan  Wax qaaray ahaansho.
qaarsanaan  eeg qaarsan. ld qaarsanaansho.
qaarsanaansho  ld qaarsanaan.
qaarxabaal1  1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo. qaarxabaal2  Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid. qaarxabaalid  eeg qaarxabaal².
page : 1164 of 1584
<< < 1159 1160 1161 1162 1163 1164 1165 1166 1167 1168 1169 > >>

 

Exit mobile version