qaash 1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.
qaashaaran Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
qaashaarasho eeg qaashaaro.
qaashaaro Hawl isu diyaarin.
qaate (kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.
qaatil Qof dilaa ah.
qaatime Orod gaar ah oo ay farduhu sameeyaan marka ay durdurinayaan.
qaatimee Faras si qaatimo ah u ordid.
qaatimeyn eeg qaatimee.
qaatin Mugga shey leeyahay.
qaawan 1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.
qaawanaan eeg qaawan. ld qaawanaansho.
qaawanaansho qaawanow. ld qaawanaan.
qaawanow Qof qaawan noqosho.
qaawi 1. Qof dhar ka furid. 2. Dhismo, dedka kore ka qaadid.
qaawin eeg qaawi.
qaawisasho eeg qaawiso.
qaawiso Qof qaawan ka dhigasho.
qaaxayn eeg qaaxee.
qaaxee Nafley qaaxo ku ridid.
qaaxo1 1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab. qaaxo2 (c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda. qaaye Qiimo; waxtar.
qaayib1 ld qaayibid. qaayib2 1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid. qaayibid eeg qaayib. ld qaayib¹.
qaayimo 1. Qiimaha iyo kharashka uu ku fadhiyo wax iib u yaal. 2. Liis muujinaaya qiimaha badeeco la gadaayo.
qab1 1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg. qab2 1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda. qab3 1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.
page : 1165 of 1584
<< < 1160 1161 1162 1163 1164 1165 1166 1167 1168 1169 1170 > >>