Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qaloondub  Dube.
qaloonfirdhis  Hab loo ducaysto oo salool afarta jaho loo firdhiyo.
qalow  Dhul korkiisa dhagax ku simanyahay.
qalowle  1. Geel aan irmaan ahayn. 2. Cunto aan idaan lahayn.
qalowlee  1. Neef irmaanaa caanihii ka dhammaasho; gurid (geel) 2. Hilib qalowle ka dhigid.
qalowleyn  eeg qalowlee.
qalqaali  Hawl qabashadeeda isku taxluujin ama qabanqaabin.
qalqaalin  eeg qalqaali. ld qalqaalis, qalqaalo (1).
qalqaalis  ld qalqaalin.
qalqaalli  Q. ah: wiil rabsho badan.
qalqaalo  1. ld qalqaalin. Isku dubbarididda hawl arrin iwm qabashadooda. 2. Hanti aan badnayn oo qof la siiyo.
qalqal1  ld khalkhal¹. qalqal2  ld khalkhal². qalqale  1. Summad geela lagu dhigo oo u eg qaanso aad loo tooxay oo dheegga lagu dhigo. 2. Kolay harag ka samaysan oo fardooleyda, xoolo jirta iwm wax ku ritaan.
qalqali  ld khalkhali.
qalqalid  ld khalkhalid.
qalqalin  ld khalkhalin.
qalqalli  Dhoobo qallashay oo adag.
qalqalsan  ld khalkhalsan.
qalqalsanaan  ld khalkhalsanaan.
qalqalsanaansho  ld khalkhalsanaan.
qalwayn  ld khilaawayn.
qalwee  ld khilaawee.
qalwi  1. Hilib iwm holac ku dubid. 2. Weel iwm holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iwm nafley afka uga shubid. ld halwi.
qalwin  eeg qalwi. ld halwin.
qalwis  Q. ah: hilib iwm oo holac lagu dubay.
qalwo  1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. ld qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. ld khilaawo.
qalyaro  Qalka hoose ee afka nafleyda oo ka yaraada sidii caadiga ahayd.
qalyayax  1. Q. ah: qof dheer caato ah oo lafo waaweyn. 2. Lafo is haysta oo aan hilib lahayn.
qalyayaxsan  1. Wax lafo waawayn oo caato ah ahaansho (qof). 2. Lafo is haysta oo hiliibkii ka dhammaaday ahaansho.
page : 1182 of 1584
<< < 1177 1178 1179 1180 1181 1182 1183 1184 1185 1186 1187 > >>

 

Exit mobile version